Federal housing law
0117 Publ 1546-EZ (so) (PDF)
Federal housing law as enacted — verbatim and citable.
- Edition
- 2026-10-03
- Last updated
- 2026-10-04
- Jurisdiction
- United States
Official source: IRS Forms, Instructions & Publications (https://www.irs.gov/pub/irs-pdf/p1546ezs.pdf), retrieved 2026-10-03. U.S. Government work (17 U.S.C. § 105).
Somali
Adeegga U-doodaha Cashuur-bixyaaha
Halkan Waxaan U-joognaa in aan ku Gargaarnno¶
Adeegga U-Doodaha Cashuur-Bixiyuhu Taxpayer Advocate Service waa urur madaxbannaan Adeegga Dakhliga Gudaha [Internal Revenue Service]. Waxaanu ilaalinaa xuquuqda cashuur-bixiyayaasha anaga oo hubinayna in cashuur-bixiye kasta loola dhaqmo si xaqa, iyo inaad ogaato oo fahamto xuquuqdaada uu ku siinayo Qabyo- qoraalka Xuquuqda Cashuur-bixiyaha .
Maxaan ka filan karaa U-Doodahayga Cashuur-Bixiyaha? Waxaan kaa caawin karnaa inaan xallino dhibatooyinka aad xallin kari waydo ee IRS kaa haysata. Had iyo jeer isku day in dhibaatadaada marka koowaad adiga iyo IRS aad xallisaan, laakiin haddii aad kari waydo, markaa u keelay Adeegga U-Doodaha CashuurBixiyaha. Waxa ugu f can ee aad samayn karto waa inaad hadda tallaabo qaaddo!
Waa Maxay Xuquuqdaydu Cashuur-Bixiye Ahaan? IRS waxay hirgalisay Qabyo-qoraalka Xuquuqda Cashuur-Bixiyaha si ay u ilaaliso xuquuqda dhammaan cashuur-bixiyayaasheeda arrimaha la xidhiidha IRS. Adiga iyo dhammaan cashuur-bixiyayaashu waxay leeyihiin:
• Xaqa in la Wargeliyo • Xaqa in la siiyo Adeeg Tayo leh • Xaqa ah in aadan bixin waxaan ka Badnayn Xaddiga [lacagta] Saxda ah ee Cashuurta • Xaqa ah in ay Loollan Galinta Meesha IRS Taagan Tahay iyo in La Dhagaysto • Xaqa ah in ay Rafcaan ka Qaadashada Go’aanka IRS ee Cid Madaxbannaan • Xaqa ah la soo Afjarka • Xaqa Asturnaanta • Xaqa Qarsoodiga • Xaqa Inaad Yeelato Qof ku Mata • Xaqa Inaad hesho Nidaam Cashuureed oo Xaq iyo Caddaalad ah
Booqo taxpayeradvocate.irs.gov si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan xuquuqda, waxa ay kaaga dhigan tahay, iyo sida ay u isticmaalaan xaaladaha qaar gaar ah oo ay dhici karto inaad kala kulanto IRS.
CODKAAGA KU AADDAN IRS
Goorma ayaa la Noo Yimaaddaa isku day in dhibaatadaada marka koowaad adiga iyo IRS. Laakiin haddii aanad karayn, markaa noo kaalay. TAS ayaa ku caawin karta haddii: • Dhibaatadaadu ay ku keenayso dhibaatooyin dhaqaale adiga, qoyskaaga, ama ganacsigaaga. • Aad waajahdo (ama ganacsigaagu uu waajahayo) halist degdeg ah ee tallaabo gurracan. • Aad isku dayday si soo noqnoqotay inaad xidhiidho the IRS, laakiin cidna ma jawaabin, ama IRS ma ayna jawaabin taariikhda ay ballanqaaday.
Haddii aad u qalanto caawimadyada, waxa laguu xilsaari doonaa u-doode kaasi oo kula joogi doonaa door kasta. U-doodahaagu waa ku dhagaysan doonaa, wuxuu kaa caawin doonaa inaad fahamto waxa u baahan in la sameeyo, oo wuxuu kula joogi doonaa ilaa dhibaatadaada la xalliyo. Adeeggayaguna waa bilaash .
Sida loola xidhiidho U-Doodaha Cashuur-Bixiyaha Haddii aad u malaynayso TAS inay ku caawin karto, wac u-doodahaaga deegaanka, kaasi oo lambarkiisu ku qoran yahay diiwaanka deegaankaaga iyo taxpayeradvocate.irs.gov . Sidoo kale waxaad kartaa: • Inaad naga soo wacdo 1-877-777-4778 . • Aad fayl garayso IRS Foom 911, Aad ka codsato Kaalmada Adeegga U-Doodaha Cashuur- Bixiyaha (Iyo Dalabka Amarka Kaalmada Cashuur-Bixiyaha) Adeegga U-Doodaha Cashuur-Bixiyaha. Sidoo kale waxaad waydiin kartaa shaqaale IRS ah (adiga oo la jooga ama taleefan ka wacaya) inuu dhammaystiro foomka isaga oo kaa wakiil ah.
Sidee kale ayuu Adeegga U-Doodaha Cashuur-Bixiyuhu caawimo u leeyahay? • U-Doodidda Nidaamsan: Waxaanu ka shaqayno kabista khaladaadka nidaam ee waawayn, khaladaadka nidaamsan ee ugu keena dhibaato cashuur-bixiyayaasha iyo shaqaalaha IRS si isku mid ah. Booqo irs.gov/sams . • Rugaha Cashuur-Bixiyaha Saboolka ah: Ruguhu waxay u adeegaan dadka dakhligoodu ka hooseeyo heer cayiman una baahan in loo xalliyo dhibaatooyinka cashuurta sida dib u eegida [audits], rafcaanada, iyo murannada cashuur ururinta. Rugaha qaar waxay bixin karaan macluumaad kusaabsan xuquuqda iyo masuuliyadaha cashuur-bixiyaha oo ku qoran luuqado kala duwan oo loogu talogalay dadka ku hadla Ingiriisida iyada ooy u tahay luuqadda labaad. Si aad u hesho rug kuu dhaw, booqo irs.gov/litc ama Daabacaadda IRS 4134, Liiska Rugta Cashuur-Bixiyaha Saboolka ah . • Guddida U-Doodista Cashuur-Bixiyaha: Ma haysaa talo celin ah si loo horumariyo IRS oo aan haddana garanayn cidda lala xidhiidhayo? Guddida ayaa dhagaysata cashuurbixiyayaasha, aqoonsata mushkiladaha cashuur-bixiyayaasha, oo samaysa tallooyin lagu horumarinayo adeegga IRS iyo qanacsanaanta macmiilka. Booqo improveirs.org .
Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan TAS, fadlan booqo taxpayeradvocate.irs.gov .
Publication 1546EZ (SO) (Rev. 1-2017) Catalog Number 54853P Department of the Treasury Internal Revenue Service www.irs.gov