Federal housing law
1025 Form 15080 (so) (PDF)
Federal housing law as enacted — verbatim and citable.
- Edition
- 2026-10-03
- Last updated
- 2026-10-04
- Jurisdiction
- United States
Official source: IRS Forms, Instructions & Publications (https://www.irs.gov/pub/irs-pdf/f15080so.pdf), retrieved 2026-10-03. U.S. Government work (17 U.S.C. § 105).
Foomka 15080¶
(Oktoobar 2025)
Department of the Treasury - Internal Revenue Service
Oggolaanshaha Shaacinta Macluumaadka Soo celinta Cashuurta ee VITA/TCE Goobta…¶
Shaacinta Federaalka: Sharciga federaalka/dowladda wuxuu ubaahanyahay foomkaan ogolaanshaha in adiga lagu siiyo. Sharciga in uu kuu idma mooyaane, uma soo bandhigi karno macluumaadkaaga canshuur celinta qeyba saddexaad ujeeddooyin aan ka ahayn diyaarinta iyo diiwaangelinta canshuur celintaada oggolaanshahaaga la'aantiisa. Haddii aad ogolaato bixinta/shaacinta macluumaadkaaga canshuur celinta, sharciga Federaalka/dowladda ayaa laga yaabaa in uusan ka ilaalin karin macluumaadka canshuur celintaada Adeegsiga dheeriga ah ama qeybiska.
Lagaagama baahna in aad buuxiso foomkan si aad uga qeybgasho adeegyadeena diyaarinta canshuurta celinta. Haddii aan ka helno saxiixaaga foomkan korkiisa annaga oo sameyneyna adeegyadeena diyaarinta canshuur celinta ee ogolaanshahaaga, oggolaanshahaaga ma noqon doono mid sax ah. Haddii aad ogolaato bixinta/shaacinta macluumaadkaaga canshuur celinta, oggolaanshahaaga wuxuu ansax yahay mudada waqtiga ee aad cayimeyso. Haddii aadan cayimin muddada oggolaanshahaaga, oggolaanshahaaga wuxuu ansax noqonayaa mudo hal sano ah laga bilaabo taariikhda saxiixa.
Shuruudaha: Horusocodka Caalamiga ah (Global Carry Forward) ee xogta ayaa u oggolaaneysa TaxSlayer LLC, oo ah bixiyeyaha softiweerka canshuurta VITA/TCE, si ay ugu dhigto macluumaadkaaga canshuur celinta mid ay heli karaan KOOXDA isxilqaame kasta oo kaqeybgalaaya barnaamijka IRS(Adeegga Dakhliga Gudaha) ee VITA/TCE ee aad doorato si aad u diyaariso canshuur celin buuxinta ee sanadka soo socda. Tani waxay micnaheedu tahay in aad awood u yeelan doonto in aad booqato goob kasta oo tabarucaad ah adoo adeegsanaya TaxSlayer sanadka soo socda oo aad ugu buuxiso canshuurtaada xogta sanadka hadda jira, iyada oo aan loo eegin meesha aad ka buuxisay canshuur celintaada sanadkaan. Oggolaanshahaani wuxuu soconayaa/shaqeynayaa illaa Nofeembar 30, 2027.
Macluumaadka canshuur celinta ee la bixin/shaacin doono waxaa ka mid ah, laakiin aan ku xaddidneyn, tirada dadka, dhaqaalaha iyo macluumaadka kale ee lagu aqoonsan karo shaqsiga, ee adiga kugu saabsan, canshuur celintaada iyo illooyinka dhaqaalahaaga, taas oo aheyd galinta softiweerka diyaarinta cashuurta ujeedada oo ah diyaarinta canshuur celintaada. Macluumaadkan waxaa ka mid ah magacaaga, cinwaankaaga, taariikhda dhalashadaada, lambarka taleefanka, SSN, xaaladda buuxinta, shaqada, magaca shaqabixiyaha iyo cinwaankiisa, iyo cadadka iyo illayaasha dhaqaalaha, kajarida/goynta iyo deemaha la sheeganaayo, ama ku dhex jira, canshuur celintaada. Macluumaadka canshuur celinta ee la shaacin doono waxaa sidoo kale ku jira magaca, SSN, taariikhda dhalashada, iyo xiriirka cid walboo kugu tiirsan ee laga dalbaday canshuur celintaada.
Uma baahnid inaad bixiso/shaaciso oggolaanshaha hawl wadaagayaasha VITA/TCE ee diyaarinaaya canshuur celintaada sannadkan. Global Carry Forward waxay kaa caawin doonta kaliya haddii aad booqato hawl wadaagayaasha kale ee VITA ama TCE sanadka xigga ee adeegsanaayo TaxSlayer. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho nuqul saxeexan oo foomkan ah.
Xaddidaadda muddada Ogolaanshaha. Aniga/annaga, canshuur bixiyaha, ma dooneyno inaan ku xaddidno muddada oggolaanshaha bixinta macluumaadka canshuur celinta taariikh ka horreysa tan kor lagu soo sheegay (Nofeembar 30, 2027). Haddii Aniga/annaga aan jeclaan lahayn inaan ku xaddidno muddada oggolaanshaha ee shaacinta taariikhya hore, aniga/annaga waan diidi doonnaa oggolaanshaha.
Xaddidaadda Baaxadda ee Shaacinta: Aniga/annaga, canshuur bixiyaha, ma dooneyno inaan xadidno baaxadda shaacinta macluumaadka canshuur celinta in ka sii badan inta kor lagu soo sheegay. Haddii Aniga/annaga aan jeclaan lahayn inaan xadidno baaxada shaacinta macluumaadka canshuur celinta in ka sii badan tan kor lagu soo sheegay, aniga/annaga waan diidi doonnaa oggolaanshaha.
Oggolaansho: Aniga/annaga, canshuur bixiyaha, waxaan aqrinay macluumaadka kore.
Aniga/annaga waxaan halkan ku oggolaanay in la bixiyo macluumaadka canshuur celinta ee lagu sharraxay shuruudaha Global Carry Forward ee kor ku xusan waxaana u oggolaanay isku-duwaha canshuur celinta in uu galiyo lambar SIREED softiweerka diyaarinta canshuurta aniga badalkeyga/wakiilkeyga si loo xaqiijiyo in aniga/annaga aan oggolaanay shuruudaha bixintaan.
Canshuur bixiyaha kowaad magaciisa oo daabacan iyo saxiixa Taariikhda
Canshuur bixiyaha labaad magaciisa oo daabacan iyo saxiixa Taariikhda
Haddii aad rumeysantahay in macluumaadka canshuur celintaada la shaaciyey/bixiyey ama loo isticmaalay si qaldan oo ah qaab aan sharcigu oggoleyn ama oggolaanshahaaga la'aantiisa, waxaad la xiriiri kartaa kormeeraha guud ee maareynta canshuuraha (TIGTA) taleefoon ahaan 1-800-366-4484. Sheeg Faldambiyeed ama Dhaqan Xumada Shaqaale IRS ka tirsan - U.S. Treasury Inspector General for Tax Adminstration (TIGTA) (https://www.tigta.gov/reportcrime-misconduct).
Catalog Number 54217R www.irs.gov Form 15080 (so) (Rev. 10-2025)