Skip to content

Federal housing law

1025 Form 13614-C (so) (PDF)

Federal housing law as enacted — verbatim and citable.

Edition
2026-10-03
Last updated
2026-10-04
Jurisdiction
United States

Official source: IRS Forms, Instructions & Publications (https://www.irs.gov/pub/irs-pdf/f13614so.pdf), retrieved 2026-10-03. U.S. Government work (17 U.S.C. § 105).


Foomka 13614-C

(Oktoobar 2025)

Waxaad u baahan doontaa:

Department of the Treasury - Internal Revenue Service

Exceptions & meaning →

Foomka Qaadashada/Xog-ururinta iyo xaashida dib u eegista tayada

OMB Number

1545-1964

  • Macluumaadka canshuurta sida Foomamka W-2, 1099, 1098, 1095.

  • Kaararka Caymiska bulshada ama waraaqaha ITIN ee dhammaan dadka ku jira canshuur celintaada

  • Aqoonsiga sawirka (sida laysanka darawalnimada oo ansax ah) adiga iyo lamaanahaaga

  • Buuxi bogagga 1-5 ee foomkan.

  • Adiga ayaa mas'uul ka ah macluumaadka ku jira cashuur celintaada. Bixi macluumaad dhammeystiran oo sax ah.

  • Haddii aad qabto su'aalo, weydii mutadawacaha diyaarinta ee shahaadada haysto ee IRS.

Tabarucayaasha waxaa loo tababaray inay bixiyaan adeeg tayo sare leh waxayna ilaaliyaan heerarka anshaxa ugu sarreeya. Si aad ugu wargaliso dhaqanada anshax darrada ah IRS, noogu soo dir iimayl ts.voltax@irs.gov

Calaamadee haddii adiga ama xaaskaaga/saygaaga aad joogtaan 2025:

Muwaadin Maraykan ah Adiga Lamaanaha Maya

Gudaha Maraykanka kuimaadey fiiso Adiga Lamaanaha Maya

Arday waqti buuxa dhigto Adiga Lamaanaha Maya

Si sharci ah indhoole u ah Adiga Lamaanaha Maya

Gebi ahaan iyo si joogto ah u naafo ah Adiga Lamaanaha Maya

La soo saaray PIN ilaalinta aqoonsiga (IPPIN) Adiga Lamaanaha Maya

Milkiilayaasha ama haystayaasha hanti kasta oo dhijitaal ah Adiga Lamaanaha Maya

Waa luuqadee

Adiga, ama xaaskaaga/saygaaga haddii aad isqabtaan oo aad si wadajir ah u xaraysanaysaan, ma jeclaan lahaydeen in aad ugu deeqdaan $3 Sanduuqa Ololaha Doorashada Madaxweynaha?

Laga bilaabo Diseembar 31, 2025, waa maxay xaaladdaada guurka

Adiga Lamaanaha Maya

Waligaa ma aadan guursan Guursaday Haddii aad guursatay, ma guursatay maalinta ugu dambeysa ee sanadka Haa Maya

Adiga iyo lamaanahaaga miyaa kala meel ku noolaydeen dhammaan 6-dii bilood ee ugu dambeeyey sanadka? Haa Maya

La furay

Taariikhda go'aanka kama dambaysta ah

Si sharci ah ayaa loo kala tagay laakiin lama furin

Taariikhda go'aanka kala taga

Laga dhintay

Sannadka dhimashada lamaanaha

Bogga 2

Dakhliga: Ka jawaab su'aalaha soo socda dhinaca bidix ee boggan. Calaamadee kaliya sanduuqyada khuseeya adiga iyo/ama lamaanahaaga.

Bogga 3

Kharashyada iyo Dhacdooyinka la xidhiidha Cashuurta: Ka jawaab su'aalaha ku qoran dhinaca bidix ee boggan. Sax kaliya sanduuqyada khuseeya adiga iyo/ama xaaskaaga /saygaaga.

Bogga 4

Xog Khiyaari ah

Macluumaadka soo socda waxaa loogu talagalay ujeeddooyin tirakoob oo keliya. Jawaabahaaga su'aalahan maaha qayb ka mid ah canshuur celintaada loomana gudbiyo IRS canshuur celintaada. Looma baahna inaad ka jawaabto su'aalahan.

  1. Ma waxaad odhan lahayd waad sii wadi kartaa wada hadalka Ingiriisi Aad u fiican Waa hagaag Ma fiicna Haba yaraatee Doorbida inaadan ka jawaabin

  2. Ma waxaad odhan lahayd waad akhrin kartaa wargeys Ingiriisi ah Aad u fiican Waa hagaag Ma fiicna Haba yaraatee Doorbida inaadan ka jawaabin

  3. Adiga ama xubin ka mid ah qoyskaaga ma leeyahay naafo Haa Maya Doorbida inaadan ka jawaabin

  4. Adiga ama xaaskaaga ma tihiin Halyeyga Maraykanka. Ciidamada Qalabka Sida Haa Maya Doorbida inaadan ka jawaabin

Xeerka Qarsoodiga iyo Ogeysiinta Xeerka Yaraynta Shaqada Waraaqaha

Waxaan ku weydiinaynaa macluumaadkan si aad uga qaybqaadato Caawinta Cashuuraha Dakhliga Tabarucaha (VITA) iyo barnaamijka La-talinta Cashuuraha ee Waayeelka (TCE) kaas oo siiya diyaariyayaasha cashuuraha dakhliga iskaa wax u qabso ee ay IRS shahaado si ay uga caawiyaan diyaarinta cashuur celinta dakhliga aasaasiga ah ee shakhsiyaadka u qalma. Maamulka IRS si ay u ururiyaan macluumaadkan waa 5 USC qaybta 301 iyo 26 USC qaybta 7801. Macluumaadka aad bixiso waxa laga yaabaa in loo sheego kuwa kale ee isku xidha VITA/TCE shaqaalaynta, wacyigelinta, iyo hawlaha kale ee la xidhiidha VITA/ TCE. IRS waxay kaliya sheegi kartaa soo celintaada iyo soo celinta macluumaadkaaga sida ku cad 26 USC qaybta 6103. Dhammaan diiwaannada kale waxaa loo shaacin karaa oo keliya ujeeddooyin ay IRS u aragto inay la jaan qaadayaan ujeeddada ay IRS u ururisay diiwaannada, oo ay waafaqsan tahay siidaynta isticmaalka joogtada ah ee lagu sharraxay Nidaamka Ogeysiiska Diiwaangelinta (SORN) Khasnadda/IRS 24.030, Matoorka Xogta Koontada Macmiilka (CADE) Individual Master File (IMF). Waxaad ka arki kartaa Treasury/IRS SORNs website-ka Treasury SORN ee Treasury.gov/System of Records Notices (SORNs). Bixinta macluumaadkan waa ikhtiyaari si kastaba ha ahaatee, haddii aadan bixin macluumaadka la codsaday, iskaa wax u qabso IRS kuma caawin karaan diyaarinta iyo xereynta canshuur celintaada.

Sharciga Dhimista Warqadaha wuxuu u baahan yahay in IRS ay muujiso lambarka kantaroolka OMB dhammaan codsiyada macluumaadka dadweynaha. Lambarka kantaroolka OMB ee daraasaddan waa 1545-1964. Sidoo kale, haddii aad hayso wax faallooyin ah oo ku saabsan qiyaasaha wakhtiga ee la xidhiidha daraasaddan ama soo jeedinta ku saabsan samaynta habkan mid fudud, fadlan u qor Adeegga Dakhliga Gudaha, Guddiga Isku-xirka Alaabooyinka Cashuuraha, SE:TS:CAR:MP:T:T:SP, 1111 Dastuurka Ave. NW, Washington, DC 20224.

Catalog Number 39230Q www.irs.gov Form 13614-C (so) (Rev. 10-2025)

Bogga 5

Qoraalo/Faallo Dheeraad ah

Catalog Number 39230Q www.irs.gov Form 13614-C (so) (Rev. 10-2025)

Exceptions & meaning →

Foomka 15080

(Oktoobar 2025)

Department of the Treasury - Internal Revenue Service

Exceptions & meaning →

Oggolaanshaha Shaacinta Macluumaadka Soo celinta Cashuurta ee VITA/TCE Goobta…

Shaacinta Federaalka: Sharciga federaalka/dowladda wuxuu ubaahanyahay foomkaan ogolaanshaha in adiga lagu siiyo. Sharciga in uu kuu idma mooyaane, uma soo bandhigi karno macluumaadkaaga canshuur celinta qeyba saddexaad ujeeddooyin aan ka ahayn diyaarinta iyo diiwaangelinta canshuur celintaada oggolaanshahaaga la'aantiisa. Haddii aad ogolaato bixinta/shaacinta macluumaadkaaga canshuur celinta, sharciga Federaalka/dowladda ayaa laga yaabaa in uusan ka ilaalin karin macluumaadka canshuur celintaada Adeegsiga dheeriga ah ama qeybiska.

Lagaagama baahna in aad buuxiso foomkan si aad uga qeybgasho adeegyadeena diyaarinta canshuurta celinta. Haddii aan ka helno saxiixaaga foomkan korkiisa annaga oo sameyneyna adeegyadeena diyaarinta canshuur celinta ee ogolaanshahaaga, oggolaanshahaaga ma noqon doono mid sax ah. Haddii aad ogolaato bixinta/shaacinta macluumaadkaaga canshuur celinta, oggolaanshahaaga wuxuu ansax yahay mudada waqtiga ee aad cayimeyso. Haddii aadan cayimin muddada oggolaanshahaaga, oggolaanshahaaga wuxuu ansax noqonayaa mudo hal sano ah laga bilaabo taariikhda saxiixa.

Shuruudaha: Horusocodka Caalamiga ah (Global Carry Forward) ee xogta ayaa u oggolaaneysa TaxSlayer LLC, oo ah bixiyeyaha softiweerka canshuurta VITA/TCE, si ay ugu dhigto macluumaadkaaga canshuur celinta mid ay heli karaan KOOXDA isxilqaame kasta oo kaqeybgalaaya barnaamijka IRS(Adeegga Dakhliga Gudaha) ee VITA/TCE ee aad doorato si aad u diyaariso canshuur celin buuxinta ee sanadka soo socda. Tani waxay micnaheedu tahay in aad awood u yeelan doonto in aad booqato goob kasta oo tabarucaad ah adoo adeegsanaya TaxSlayer sanadka soo socda oo aad ugu buuxiso canshuurtaada xogta sanadka hadda jira, iyada oo aan loo eegin meesha aad ka buuxisay canshuur celintaada sanadkaan. Oggolaanshahaani wuxuu soconayaa/shaqeynayaa illaa Nofeembar 30, 2027.

Macluumaadka canshuur celinta ee la bixin/shaacin doono waxaa ka mid ah, laakiin aan ku xaddidneyn, tirada dadka, dhaqaalaha iyo macluumaadka kale ee lagu aqoonsan karo shaqsiga, ee adiga kugu saabsan, canshuur celintaada iyo illooyinka dhaqaalahaaga, taas oo aheyd galinta softiweerka diyaarinta cashuurta ujeedada oo ah diyaarinta canshuur celintaada. Macluumaadkan waxaa ka mid ah magacaaga, cinwaankaaga, taariikhda dhalashadaada, lambarka taleefanka, SSN, xaaladda buuxinta, shaqada, magaca shaqabixiyaha iyo cinwaankiisa, iyo cadadka iyo illayaasha dhaqaalaha, kajarida/goynta iyo deemaha la sheeganaayo, ama ku dhex jira, canshuur celintaada. Macluumaadka canshuur celinta ee la shaacin doono waxaa sidoo kale ku jira magaca, SSN, taariikhda dhalashada, iyo xiriirka cid walboo kugu tiirsan ee laga dalbaday canshuur celintaada.

Uma baahnid inaad bixiso/shaaciso oggolaanshaha hawl wadaagayaasha VITA/TCE ee diyaarinaaya canshuur celintaada sannadkan. Global Carry Forward waxay kaa caawin doonta kaliya haddii aad booqato hawl wadaagayaasha kale ee VITA ama TCE sanadka xigga ee adeegsanaayo TaxSlayer. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho nuqul saxeexan oo foomkan ah.

Xaddidaadda muddada Ogolaanshaha. Aniga/annaga, canshuur bixiyaha, ma dooneyno inaan ku xaddidno muddada oggolaanshaha bixinta macluumaadka canshuur celinta taariikh ka horreysa tan kor lagu soo sheegay (Nofeembar 30, 2027). Haddii Aniga/annaga aan jeclaan lahayn inaan ku xaddidno muddada oggolaanshaha ee shaacinta taariikhya hore, aniga/annaga waan diidi doonnaa oggolaanshaha.

Xaddidaadda Baaxadda ee Shaacinta: Aniga/annaga, canshuur bixiyaha, ma dooneyno inaan xadidno baaxadda shaacinta macluumaadka canshuur celinta in ka sii badan inta kor lagu soo sheegay. Haddii Aniga/annaga aan jeclaan lahayn inaan xadidno baaxada shaacinta macluumaadka canshuur celinta in ka sii badan tan kor lagu soo sheegay, aniga/annaga waan diidi doonnaa oggolaanshaha.

Oggolaansho: Aniga/annaga, canshuur bixiyaha, waxaan aqrinay macluumaadka kore.

Aniga/annaga waxaan halkan ku oggolaanay in la bixiyo macluumaadka canshuur celinta ee lagu sharraxay shuruudaha Global Carry Forward ee kor ku xusan waxaana u oggolaanay isku-duwaha canshuur celinta in uu galiyo lambar SIREED softiweerka diyaarinta canshuurta aniga badalkeyga/wakiilkeyga si loo xaqiijiyo in aniga/annaga aan oggolaanay shuruudaha bixintaan.

Canshuur bixiyaha kowaad magaciisa oo daabacan iyo saxiixa Taariikhda

Canshuur bixiyaha labaad magaciisa oo daabacan iyo saxiixa Taariikhda

Haddii aad rumeysantahay in macluumaadka canshuur celintaada la shaaciyey/bixiyey ama loo isticmaalay si qaldan oo ah qaab aan sharcigu oggoleyn ama oggolaanshahaaga la'aantiisa, waxaad la xiriiri kartaa kormeeraha guud ee maareynta canshuuraha (TIGTA) taleefoon ahaan 1-800-366-4484. Sheeg Faldambiyeed ama Dhaqan Xumada Shaqaale IRS ka tirsan - U.S. Treasury Inspector General for Tax Adminstration (TIGTA) (https://www.tigta.gov/reportcrime-misconduct).

Catalog Number 54217R www.irs.gov Form 15080 (so) (Rev. 10-2025)

Exceptions & meaning →

GoCodebook provides public access, search, citation, multilingual explanation, and practical interpretation of legally adopted building regulations. It is not a substitute for the official ICC or California code publications.